Muqdisho(INO)-Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Bulshada Maxamuud Axmed Nuur Tarzan ayaa qormo uu ka qoray xaaladda Soomaaliya ay ku jirto, isla markaana uu soo dhigay bartiisa facebook, wuxuu baaq ugu diray Somaliland in hoggaamiso Qaranka Soomaaliyeed, bacdamaa sida uu yiri ay Dowladdihii laga dhisay Koofurta Soomaaliya ay fashilmeen. Qoraalka Tarzan ayaa u qornaa sidan:
Waxaan baaq u jeedinayaa Madaxweynaha, Xildhibaanada, Salaadiinta, boqorrada, ugaasyada iyo shacab weynaha Somaliland in ay badbaado u noqdaan jiritaanka jinsiga Somaaliyeed oo ay iska iloobaan wax kasta oo ka soo gaaray taliskii ciidamada iyo xukuumadiisii. In ay ka tanaasulaan gooni-isu-taagga oo ay hoggaan u noqdaan qaranka Somaaliyeed maadaama dowladihii laga dhisay koofurta ay ku fashilmeen in ay keenaan horumar siyaasadeed, mid bulsho, mid dhaqaale iyo mid dib u heshiisiineed.
Waddankii Soomaaliyeed wuxuu ku sii socdaa meel aad u madow oo aan la garaneynin waxa uu ku dambeyn doono. Waxaan ogahay in dad badan oo ka tirsan waqooyi iyo koofurba in ay hadalkaan dhibsan doonaan laakiin waa xaqiiqa aan laga aamusi karin. Marka aad fiirisid sida ay wax ku socdaan, marka aad fiirisid gobolka Geeska Afrika waxa ka socda, Dhibaatada uu ku sugan yahay cunsurka Soomaaliyeed meel kasta oo uu joogo. Dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed ee Yemen ku sugan, kuwa Kenya ku sugan, dagaallada joogtada ah ee Shabaab ay ku hayso shacabka Somaaliyeed iyo dhibaatada ay u geystaan kuwa gudaha jooga iyo kuw dibadda joogaba.
Waddankii oo u sii kala googo’ahaya dowlado ku dhisan nidaamka qabaliga oo ayna jirin wax ka dhaxeeya iyo wax ay wadaagaan, taasoo cadowga Soomaaliyeed uu aad uga faa’iideysanayo.
Waxaa kale oo aan baaq u dirayaa hoggaamiyaasha Shabaab. Waxaan leeyahay in ka badan toban sano ayaad dhiigga Ummadaan Soomaaliyeed oo muslimka ah ayaad daadineyseen wax natiijo ah ood ka gaarteenna ma jirto. Kuwiini dhinteyna waxay ku dhinteen iyaga oo dhiig muslim qaba, kuwiina noolna waxaad ku nooshihiin cabsi iyo xasiloonidarro. Joojiya dhiigga aad ka daadineysiin Shacabkaan dhibaatadu dhan kasta uga timid, wada hadal gala hadii aad ummadaan wax u dan ah xambaarsan tihiin, taasi waa inta ay talo gacantiina ku jirto berrito waxaad arki doontaan ayadoo aadan talo haynin.
Idale News Online, Muqdisho