Tartan cajiib ah oo maalgashiga geella oo ka bilowday Muqdisho: DAAWO VIDEO

0
217

Maalgashiga iyo dhaqashada Xoolaha nool, gaar ahaan Geella ayaa waayadii hore ahayd mid ku kooban Baadiyaha, laakiin waayadii danbe waxaa soo if baxay in shirkadaha Soomaaliyeed ay bilaabeen ineey maalgashtaan Geella.

Shirkado waaweyn oo ay ugu horeyso shirkada Isgaarsiinta Hormuud, ayaa waayadii danbe bilaabay iney maalgashtaan Geela, iyagoo sameeyay shirkado gaar ah oo Caanaha Geela usoo iib geeya magaalada Muqdisho.

Shirkadahaas waxaa kamid ah, “Iisoo Maal”, “Iisoo Lis” iyo shirkado kaloo hada iyagana bilaabay ineey ka faa’iideystaan Caanaha Geela.

Madaxda shirkadahan maalgashta Caanaha Geela, ayaa TV-ga Aljazeera u sheegay ineey bilaabeen maalgashiga Geela, kadib markii lagu kalsoonaan waayay waxtarka iyo tayada Caanaha laga keeno Baadiyaha, oo ay sheegeen in lagu soo daro Biyo iyo waxyaabo kale, sidoo kalena mudo dheer ay wadada kusoo jiraan.

“Waxaan macaamiisheena usoo bandhignaa Caano Fresh ah oo saafi ah, waxaana maalinkii soo saarnaa 400 Littr, laakiin waxaan haatan wadnaa qorshe intaas ka ballaaran oo aan ku dabooli doono dhamaan baahida dadka u baahan Caanahaan Nadiifka ah” sidaa waxaa yiri mid kamid ah maamulayaasha shirkadaha Caanaha Geela usoo iibiya magaalada Muqdisho.

MUUQAALKA IYO WARBIXINTA HALKAN KA DAAWO

[vsw id=”dnYB6d9KESc&feature=player_embedded” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Idale News Muqdisho