Tarsan oo si adag uga digay dhibaato ka dhalan karta hanaanka Federaalka dalka Soomaaliya

0
454

Muqdisho(INO)-Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa ka digay qatar ka dhalan karta hanaanka Federaalka dalka Soomaaliya, xilli Gobolada dalka laga dhaqangelinaayo qorshaha Federaalka.

Tarsan wuxuu sheegay inay jirto qatar culus oo ka dhalan karta Federaalka, balse dadka Soomaaliyeed iminka aysan u muuqan oo ay dareemi doonaan xilliga ay dhacdo dhibaatada.

Wuxuu ku sheegay qatarta ka dhalan karta Federaalka, kol hadii dalka Soomaaliya Gobol waliba qabaa’ilaadka dega ay sameystaan maamul u gaar ah, dhibaatada dhalan karta inay tahay in Maamul waliba midka kale ee deriska la’ah ay ku wada dagaalamaan xuduuda udhaxeysa iyo Kheyraadka ay wadaagaan.

“Laakiin mida su’aasha ay ka taagan tahay waxa weeye mida qarankeena duminaysa waa marka qaranka la Federaaleeyo oo la dhiso Dowlado qabiil ku dhisan, oo Dowlad kale oo qabiil kale ah oo la deris ah ay isku qabsadaan xuduudka, hawada isku qabsadaan meel waliba ay isku qabsadaan oo ceelasha iyo kheyraadkii ay isku qabsadaan, maanta marka dadka jooga waxaa laga yaabaa inaysan dareemin dhibaatada ka dhalan karta Federaalka, laakiin ogaada berito maxaad caruurtiina uga tagi doontaan.” Ayuu yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Aqoonyahano badan iyo Siyaasiyiin ayaa ka digay dhibaatada ka dhalan karta hanaanka Federaalka dalka Soomaaliya oo meesha ka saareysa qarannimadii dalka Soomaaliya, maadaama dalka loo qaybinaayo Gobolo Gobolo.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed laga rabo inay fahmaan dhibaatada ka imaan karta Federaalka Soomaaliya.

Dastuurka qabyo qoraalka ee dalka Soomaaliya, ayaa dhigaayo in labo Gobol iyo wixii ka badan ay sameysan karaan Maamul u gaar ah.

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here