Muqdisho(INO)–Iyadoo ay jiraan dhaliilo farabadan oo loo jeedinaayo Dowlada Federaalka ah ee Somalia, ayaa waxaa dhaliil ceynkaasi ah soo jeediyay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarzan.
Tarsan ayaa sheegay in dowladu ay ku fashilantay dhaqan galinta Federalka sababo la xiriira buun-buuninta qabyaalada.
Waxa uu sheegay in Federaalka uu ka dhaqan gali la’ yahay Siyaasadaha qabyaaladeysan oo sabab u noqday kala qeybsanaan iyo is nacayb bulshada dhexdeeda ah.
Maxamuud Axmed Nuur Tarzan oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo arimaha Bulshada, ayaa ka dhiidhiyay in ujeedka Federalku uu yahay qorshe ay Reer galbeedka wataan oo dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh lagu dirqinayo.
Tarsan ayaa tusaale usoo qaatay wixii dhacay markii ay DF Somalia ka hor imaatay maamulka Axmad Madoobe xiligaasoo uu sheegay in dowlada Ethiopia ku amartay DF Somalia iney aqbalaan Maamulkaasi.
Isagoo arrintaasi ka hadlaaya ayaa waxa uu yiri “Nicholas Kay waxa uu isaga kala gooshaa gobolada dalka iyadoo la og yahay in maalin maalmaha kamid ah uu Subaxeedii ka quraacday Muqdisho, duhurkeedii ka qadeeyay Garowe, habeenkeediina ka casheeyay Hargeysa, Xassan Sheekhna sidaas oo kale uma tagi karo gobolada wadanka. wad aragtaan in taasi ay muujineyso cuqdada la kala dhex dhigay Umadda Soomaaliyeed”.
Waxa uu ka digay in Madaxweynaha Somalia sanadka u harsan lagu cadaadiyo meel marinta Siyaasadaha reer galbeedka qabyada uga ah dalka Somalia.
Haddalka Tarsan, ayaa imaanaya xili dhawaan Hogaamiye kooxeed Barre Hiiraale uu shaaca ka qaaday in dalku gumeysi ku jiro isaguna uu maxbuus ku yahay magaalada Muqdisho.
Idale News Online, Muqdisho.