Muqdisho(INO)-Munaasabadaani oo aheed mid si heer saro ah loosoo agaasimay ayaa waxaa ksoo qeyb galay xildhibaano ka tirsan baarlmaanka soomaliya siyaasiin odayaal dhaqameed bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa lagu daah furayay xisbi siyaasadeed uu hogaaminaayo gudoomiyahii hore ee gobolka banaadir maxamed axmed nuur tarsan.
Qeybo kala duwan oo kahadlay madasha ayaa muujiyey ahmiyada xisbiga cadaalada iyo bulshada oo sida ay sheegeen dhinacyo badan kaga duwan xisbiyada kale ee dalka kajira marka loo eego bey yiraahdeen hadafka xisbiga iyo ujeedooyinka uu leeyahay oo ku saleysan isku filnaasho dhaqaale oo ay gaaraan dalka iyo dadka Soomaalida.
Gudoomiye Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo kahadlay hadafka xisbiga ayaa muhiimadaha ugu horeeya ee loo aas aasay xisbigan ku tilmaamay in lahelo cadaalad dhab ah iyo qodobo kale oo muhiim u ah dalka waxaana uu muujiyey kalsoonida xisbiga ee ku wajahan in uu horseedi karo isbadel muuqda.
Idale News Online, Muqdisho