Xildhibaan Mahad Salaad ayaa fariin dardaaran iyo talo u diray lamaanihii guurkooda la heyb soocay ee loo gubay Axmed Dowlo oo ahaa adeerkii wiilka u doonay gabadha.
Farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu cinwaan uga dhigay in aan la marin habaabin dhalinyarada, wuxuu si gaar ah dardaaran iyo talo ugu jeediyay Maxamed C/raxmaan iyo Ruqiyo C/llaahi oo ahaa lamaanihii is calmaday.
Dhalinyarada yaan la marin habaabin!
Maalmahaan waxaa baraha bulshada iyo warbaahinta gudaha dhex wareegayay dhacdadii xanuunka badneed ee lagu gubay walaalkeen Ahmed Alle ha-u-naxariistee.
Waxaan aad ula yaabay buunbuuninta xad dhaafka ah ee dhacdadaan xanuunka badan oo xitaa gaartay in wiilka nasabkiisa laga been sheego!
Qof waliba waxaa sugeysa maalin uu Alle hor istaagi doono. Xubnaha jirkiisuna ku marqaati furi doonaan, xumaan iyo samaan wixii uu shaqeystana la horkeeni doono, abaalmarinteedana uu heli doono. Lkn lamaanahaan isdoortow talo iga dhageysta oo talo waayeel iga dhageysta:
Wiilyahow waxaan talo kugu siin lahaa buundhuunintaan dhalanteedka ah inta iska dhaaftid hadii run ay kaa tahay in aad gabadha jeceshahay aadna rabto owlaad baarri ah in Eebe kaa siiyo. Sidaan kuma dhaqanto gabar hooyadeed, habaryarteed iyo abtigeed xasbi kujiraane, dhaqankaaga wax ka badal oo reer xididkaa la xaal. Dad samo jecle ah oo dhaqanka Soomaaliyeed iyo midka Islaamnimo garanaya la tasho oo xali dhibka ka dhex jira qoyskaaga iyo midka xaaskaaga. Iskana dhaaf dadkaan ku marin habaabinaya oo siyaasadeynaya dhibka qoyskaaga maslaxad kuuma haayaane.
Gabaryahay waxaan ku leeyahay guri lagu nastoo lagu nagaado iyo owlaad baarri kuu ah hadaad rabto waalidkaa ka duco qaado. Dhaqanka kaa muuqdana wax ka badal. Qosol iyo warbaahin laga soo muuqadana kuuma taalee dib iskugu laabo. Sababtoo ah hooyadii sagaalka bilood caloosha kugu soo qaaday, naaskeeda kusoo nuujisay, dhabarkeeda kugu soo xanbaartay, sababna u ahayd quruxda kaa muuqata Alle ka sokow ayaa maanta xabsi u jiifta adiga daraadaa. Marka meesha ka kac oo inta marada dhexda ku xiratid isku maslax Aabe iyo Hooyo, Awoowe iyo Ayeeyo, Adeer iyo Abti, Aboowe iyo Abaayo, Seedi iyo Dumaashi.
Dadka buunbuuninaya qadiyada wiilkaan iyo gabadhaan waxaan leeyahay wax xun ayaa dhacay oo dhaqanka Islaamnimo iyo midka Soomaalinibaba ka baxsan marka walaaloyaalow kuwii dhintay ee xaqdarada lagu dilay danbi ha usoo jiidinina, dhalinyaradaan iscalmadayna gurigooda ha duminina. Kala fogaansho qoyskaan dhismayana horseed ha u noqonina ee hadii aadnan wanaag kusoo kordhinayn dhibkiina kala hara.