Taliyaha ugu sareeya ciidanka Kenya oo yiri “Axmed Madobe Kenya ma dooran balse waxuu ku yimid doorashada dadka Jubaland!”

0
184

Taliyaha ciidamada difaaca Kenya General Julius Karangi ayaa iska riixey eedayn kaga timid dhinacyada iskaga soo horjeeda gacan ku haynta deegaanada jubooyinka waxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamey in ay dowladiisa waa Kenyee ineysa wax luga ah ku lahayn doorasahada Axmed Madoobe loogu doortey Madaxweynaha Maamulka Jubaland

julius

Jeneraalkaan oo ah taliyaha ugu sareeyea ee ciidanka Kenya  ayaa si cad u sheegey in Axmed Madoobe ay dadka Jubbaland u soo doorteen madaxweynaha Jubbaland iyagoo raacaya dastuurka iyo xeerka u degsan.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd in Kismaayo dagaalkii ka dhacay uu yahay mid saameyn ku yeelan kara Kenya iyo guud ahaan gobolka ayuu sheegay in dagaalka uusan ahayn sida laga dhigay ayna caadi tahay in dadku ku dagaalamaan xukun balse goobihii uu dagaalku saameeyay ay hada gacanta kuhayaan ciidamada AMISOM.

Generaal Karaangi ayaa hadalakan ka sheegay munaasabad lagu furayay tababarka sadaxaad ee militariga oo lagu qabtay Jaamacada Kenyatta University.

Dhismaha Maamulka Jubaland ayaa keeney dagaal iyo iska horkeeney dowlada federaalka Somalia iyo Maamulka ka arimiya Jubaland isla markaasna siyaasada dalka guud ahaan saameysay taasoo guud ahaan laga dareemi karo saaxada siyaasada ee dalka gudahiisa iyo dibadiisa.

Idale News Online Mogadishu, Somalia