Taliyaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo Digniin u jeediyay Beesha Caalamka

0
184

Muqdisho ( INO)-Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Cabdullaahi Gaafow Max’ud ayaa shaaca ka qaaday in wixii haatan ka dambeeya ay la xisaabtami doonaan Beesha Caalamka wuxuuna hoosta ka xariiqay in beesha Caalamka aan laga aqbali doonin in dad Ajnabi ah ay dalka si aan sharci ahayn ku soo geliyaan kuwaas oo ay doonayaan in iyagoo aan sharci heysan  ay ku shaqeystaan .

Dhinaca kale Cabdullaahi Gaafow ayaa hoosta ka xariiqay in ay ku raad joogaan dad si sharci darro ah ugu sugan dalka kuwaas oo ku tar tarsiiyay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ula soo xiriiro laamaha socdaalka iyo Jinsiyadaha si loo diiwaan geliyo islamarkaana ruqsad uu ugu sugnaan karo dalka loo siiyo.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ku nuux nuuxsaday in ciddii aan heysan ruqsad sharci ah ee ay dalka ku joogta ay ka qaadi doonaan Tallaabo ku haboon.

Tallaabadii shalay ka dhanka  ahayd ajaanibta ee ku aadaneed ganaaxa lagu soo rogay ayaa noqoneysa  tii ugu horeysay muddo ka badan 25 sano kadib dowladda Soomaaliya ay si Madax banaan u xukunto ajaanib dalka sharci darro ugu sugnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here