Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Generaal C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi kooban oo Ciidanka Xoogga Dalka ka mid ah ayaa waxay booqasho rasmi ah oo shaqo ku joogaan dalka Turkiga.
Wafdiga Militeri ee Soomaaliya ka socda ayaa waxay magaalada caasimada ee Turkiga ee Ankara kula kulmeen masuuliyiinta ciidanka dalka ay martida u yihiin ee Turkiga, iyagoo ka wada hadley arrimo dhanka ciidamada iyo qalabeynta ciidanka Militeriga iyo weliba tababarada ciidanka ah.
Wafdiga oo booqasho kooban ku yimid Turkiga ayaa la filaayaa in ay dalka dib ugu laabtaan dhowaan, ayaa saxaafada u sheegey in dhamaan qodobadii ay labada dal ka wada hadleen la isku afgaretey isla markaasna dowladda Turkiga jawaab deg deg ah ka bixin doonto arrimihii laga wada hadley.
Idale News Ankara, Turkey