Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo loo magacaabay Ibraahim Sheekh Muxudiin

0
313

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Dowladda Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Ibraahim Sheekh Muxudiin u magacaabay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha, ayaa Digreeto xilka kaga xayuubiyay Ku Simihii Taliyaha ahna Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Gaashaanle Duraan Axmed Cali.

Taliyaha cusub, ayaa gelinkii dambe ee maanta la wareegay xilka loo magacaabay, iyadoo la magacaabay ka hor intii aanu Madaxweynaha Somaliya u amba bixin Magaalada Sharma El Sheikh ee dalka Masar.

Ibraahim Sheekh Muxudiin, ayaa horey u soo noqday Madaxii Maamuska Madaxtooyada Somaliya. Wuxuuna ku heyb yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Duraan Axmed Cali, ayaa deegaan ahaan ka soo jeeda Koonfurta Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Waxa uuna u muuqdaa mid xilligaan ka tegaaya Madaxtooyada.

Ibraahim Sheekh Maxamuud

Tani waxay qayb ka tahay is bedelada uu Madaxweynuhu ku sameynayo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida Somaliya.

Madaxtooyada waxaa soo gaaraya dhaliilo la xiriira habka is bedelka uu Madaxweynuhu ugu sameynayo Saraakiisha Ciidamada.

 Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here