Kismaayo(INO)— Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Aadan Axmed ayaa sheegay in labadii bilood ee u dambeeysay ay xoojiyeen mushaar siinta ciidamada, isagoo balan qaaday in ciidamada xoogga dalka ay si toos ah u heli doonaan xuquuqdooda.
Taliyaha ayaa booqanaya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, waxaana uu kormeer ku tagay xeryaha ciidamada ee ay ka socdaan tababarka iyo isku dhafka ciidamada.
“Mushaaraadka ciidamada si wanaagsan ayay u socdaan, ciidamada bishii hore waa qaateen, bishan waa qaadanayaan, waxaana diyaar u nahay inaan ilaalino xuquuqda ciidamada”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada xoogga dalka.
Taliyaha ayaa u jooga Kismaayo sidii uu u ogaan lahaa tirada ciidamada iyo halka ay marayaan isku dhafka ciidamada, waxaana uu ku dar daarmay ciidamada u socda tababarka inay shacabkooda difaacaan.
Ugu dambeyn Taliyaha ayaa sheegay inay wixii hada ka dambeeya ay xoogga saarayaan sidii ciidamada loo bari lahaa inay ilaaliyaan Nafta, Sharafka, iyo Hantida Umadda Soomaaliyeed.
Idale News Online, Kismaayo