Baydhabo(INO)-Taliyaha Qeybta Booliska ee Gobolka Baay Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka iyo Ganacsatada Magaalada Baydhabo ay ka Warqabaan Dilalka loo Geysanayo Culimada Caanka ah ee dadka kala Hadla Arrimaha Al-shabaab.
Mahad waxaa uu sheegay in Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Culimo Seddax Gaareysa loogu dilay Baydhabo ay Waxbadan ka Ogaayeen Ganacsatada Magaalada Qaarkeed iyo Macallimiinta Dhiga Dugsiyada Qur’aanka.
“Ganacsatada iyo Macallimiinta qaarkood ayaa Baxa Diinsoor ayey tagaan, Tababarro ayey kusoo qaataan si ay u dilaan dadka loo doo dirayo, aad ayaan uga Warheynaa, Dhowaana waxaasoo Dhan waxaan Rajeyneynaa in ay soo Afjarmaan” ayuu yiri.
Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay in aysan Suuragal aheyn in ay Magaalada si Caadi ah ugu Noolaadaan nin Heysta Tababarka Al-shabaab iyo Ciidanka Dowladdu, taasoo Qasbeysa sida uu sheegay in Tillaabo ka duwan kuwii hore ay qaadaan Ciidamada Dowladda ee Gobolka Baay, Gaar ahaana kuwa Jooga Magaalada Xarunta ah.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.