Idalenews Taksiile caan ka ahaa degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa ku dhintey qarax ka dhashay miino loogu xirey gaarigiisa.
Gaariga uu watay taksiilaha magaciisa lagu soo koobay Mahad ayaa qarxay xilli uu marayay meel ku dhow Hotel Jazeera oo ay diblumaasiyiin,ajaaniib iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka ay degen yihiin.
Lama oga in taksiilaha uu waday dad rakaab ah iyo in kale iyadoo qaraxana uu cabsi geliyay dadka ku jira hotel Jazeeera.
Qaraxan ayaa ah kii ugu horeeyay ee ka dhasha baabuurta iyadoo qaraxii ugu dambeeyay uu ahaa mid lagu xirey gaari lagu qaadi lahaa aroos.