Tahriibayaal Afrikan ah oo ku dhintay xeebaha Yemen.

0
226

Tahriibayaal Afrikan ah oo gaaray Yeemen Wasaarada gaashandhiga dalka Yemen ayaa shaacisay maanta oo Isniin ah in ugu yaraan 42-qof oo ah tahriibayaal Afrikan ah in ay ku dhinteen xeebaha Koonfureed ee dalka Yemen.

Dadkan ayaa la socday dooni ku degtay xeebta Shabwa ee dalka Yemen, waxaana ilaalada xeebaha Yemen ay sheegeen in ay soo badbaadiyeen ilaa 30 qof oo ahaa dadkii la socday doonta kuwaasoo la geeyay xero qoxooti ah.

Yemen waxa ay ka mid tahay meelaha ay u hayaan tahriibayaasha Soomaalida iyo Itoobiyaanka kuwaasoo halkaas uga sii gidba dalka Sacuudiga si ay u helaan nolal dhaanta tii ay ka soo tageen.

Waxaa hadda socda baadigoobka dadkale ee weli maqan.Hey’adda IOM ayaa sheegtay in sannadkii 2012-ka dalka Yemen ay gaareen ilaa 84kun oo qof oo ka yimid Geeska Afrika.
tahriibka

Idale News Online.