Muqdisho(INO)- Alle ha u naxariistee waxa Magaalada Muqdisho Xaley ku geeriyoodey Malaaq Xasan Buulle oo ka mid ahaa Gollaha Odayaasha Dhaqanka Degaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo maalintii arbacada Ee la soo dhaafey dhaawacmyo ka soo gaarey Qaraxii Hotel Dayax Ee Magaalada Muqdisho.
Alle ha u naxarisiitee, waxaa uu Marxuumku ka mid ahaa madax-dhaqameedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo muddo dheer ka soo shaqeeyey illaalinta nabad galyada, waxaana uu kaalin mug leh ka soo qaatay Dhismaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.