Isbaheysiga mucaaradka ee dalka Kenya, CORD ayaa maanta qaban qaabinaya isu soo bax ballaaran oo ay kusoo dhaweynayaan hoggaamiyahooda, Raila Odinga, oo Mareykanka ku maqnaa ku dhowaad saddex bilood.
Mucaaradka ayaa sheegaya in hal milyan oo qof ay isugu keenayaan caasimada Nairobi, waxayna wadaan olole ay ku dhaliilayaan waxqabadka dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Arrimaha ay sida gaarka ah u tilmaamayaan mucaaradka oo ay sheegayaan in dowladdu ay ku fashilantay ayaa waxaa ka mid ah; ammaanka, dhaqaalaha, iyo la dagaalanka musuq maasuqa.
Xildhibaan Adan Barre Ducaale waa hoggaamiyaha xisbiga tirada ugu badan ku leh baarlamaanka, kana tirsan dowladda. Axmed Xaji Xasan ayaa wax ka weydiiyay eedeymaha loo soo jeediyay dowladdooda.
Idale News Online, Nairobi, Kenya.