Gedo(INO)-Suleymaan Maxamed oo kamid ah dhalinyarada ku nool Gobolka Gedo, ayaa sheegay in Maleeshiyaadka Alshabaab ay fareen inuu dilo Hooyadiisa, kadibna uu ku xijiyo Aabihiis.
Waxa uu sheegay in Hooyadiisu ay kamid aheyd Haweenka nadaafada ee Xarunta Ciidanka Militeriga Gedo, halka Aabihiina uu ahaa Sargaal ka tirsan Ciidamada DF Somalia.
Suleymaan Maxamed waxa ay xaajo la dhabaqsan tay goortii lagu amray inuu dilo waaridkiisa, waxa uuna isku dayay inuu ilaa xad iska mashquuliyo arrinkaasi balse waxa uu tilmaamay in lagu laba jibaaray cadaadinta isagoona isaga baxay kooxda si uu uga badbaado dhibaateynta waalidkiisa.
Waxa uu iminka ku dhex noolyahay Xarumaha DF ee Gedo, waxa uuna cadeeyay in Maleeshiyadu ay cadaawad u abuureyso dadka ka tirsan, balse kaliya uu layaabay sababta ka dambeysay in loo adeegsado reerkiisa.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in inta badan dhalinyarada kamid ah lagu cadaadin jiray in howlgalka ay ka bilaaban reerkooda, hayeeshee taasi badankooda aysan u cuntamin.
Guriga ayuu sheegay in ilaa Seddex jeer lagu soo weeraray, balse uu ka baxsaday kadib markii uu ka booday qeybta dambe ee hooyga.
Dhanka kale, waxa uu DF Somalia iyo Saraakiisha Ciidamada ugu baaqay inaysan fal argagax badan kula kicin dhalinta kasoo goosta Alshabaab, bacdamaa uu yiri lagu qasbo waxa aysan rabin, hadii uu diidana la dilaayo.