Suldaanka Beesha Jiido, Warsame Ibrow, ayaa difaacey inuu Adeerkii Salim Aliyow Ibrow ka mid noqdo barlamaanka cusub

0
383

Suldaanka Beesha Jiido, Suldaan Warsame Suldaan Ibrahim Aliyow Ibrow ayaa iska difaacey eedeyn iyo cabasho ka imaaneysa Beesha uu odey-dhaqameedka u yahay oo la xiriirta inuu Adeerkii Salim Aliyow Ibrow oo hore uga mid ahaa Barlamaankii Somalia in mar kale dib u soo magacaabo.

Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay taagnaayeen cabasho la xiriiray habka xulista baarlamaanka iyo eedo loo jeediyay odayaasha dhaqanka oo ahaa eex ay sameeyeen iyo dad ay ehelo yihiin oo ay Xildhibaanimo u qoreen, iyo qaar la sheegay in lacago lagu laaluushay.

Beelaha qaar ayaa ah kuwo ay ka dhex tolan tahay arrinta ku saabsan soo xulista Baarlamaanka, waxaana lagu eedeeyay odayaasha dhaqanka inay wadaan nin jecleysi iyo ujeedooyin hoose, iyo weliba balan-qaad maaliyadeed oo loo sameeyay odey-dhaqameedyada hadii Xildhibaanimo u qoraan shaqsiyaadka daneynaya.

Suldaan Warsame Caliyow Ibrow oo ka mid ah madax dhaqameedyada soo xulaya Xildhibaanada ayaa difaacay go’aanka uu Xildhibaanimo ugu qoray nin adeerkii ahaa oo horay Xildhibaan u ahaa.

Suldaanka ayaa sheegay in Beesha Jiido oo ka tirsan Digil iyo Mirifle ay ka soo gaartay saddex xildhibaan, isla markaana la kala qeybsaday, isagoo xusay in kursiga reer Suldaan uu siiyay Saalim Caliyow Ibrow oo adeer u ah.
“Arrinta waxay tahay in Beesha Jiido oo ka mid ah Digil iyo Mirifle in saddex kuraas ay soo gaartay, waxayna u kala baxaan labo waxaa leh labo Laf, hal kursi waxaa leh reer Suldaan, waligeed ayay soo jireen aheyd, qof ka socda reer Suldaan ayaa la siinayay”ayuu yiri Suldaan Warsame Caliyow Ibrow.

“Suldaan waa nin mudan waa nin Jiido, xaq gooni ayuu u leeyahay, dastuurka ma qorayo in reer Suldaan ama qof qaraabo ah lama keeni karo, waana adeerkey, Saalim asiga horay uga mid ahaa Dowladihii hore Wasiir iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeen ayuu soo noqday”ayuu yiri Suldaanka oo difaacay go’aanka uu Xildhibaanimo ugu qoray Saalim Caliyow Ibrow.

Guux weyn ayaa ka jira beelaha qaar oo ku aadan habka odayaasha ay u xuleen Xildhibaanada, waxaana jira dad badan oo qaraabo ama ehelnimo lagu geeyo, taasoo lagu tilmaamay arrin eex iyo ku takri fal xil qaran ah.

Ugu dambeyntii, waxaa aad u akaan doonta in marxaladaan waxii ka dambeeya in doorka odey-dhaqameedka & kalsoonida beelahooda ku qabi karaan haddiiba hab-dhaqanka siyaasiinta Soomaaliyeed iyo Odey-dhaqameedyadii isku meel ku soo arooreen, isla markaasna odey-dhaqameedyadu si la mid ah siyaasiyiintii Soomaaliyeed oo kale idaacadaha ka sheegeen waxaan beelahooda u cuntamin  iskana difaacaan eedeymaha loo soo jeedsho iyagoo  gunta hoose ay banaanka yaalaan.

 

Xafiiska Warqabadka Idalenews Mogadishu
Siyad Macalin Axmed
email: siyad_macalin@hotmail.com