Muqdisho(INO)-Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Maadeey Nuuroow Ufuroow ayaa ka digay in muran la galiyo Xuduuda Badda Soomaaliya oo cidii kusoo xadgubta uu sheegay inay sharciga la tiigsan doonaan ama talabadii kale ee ku haboon ay ka qaadayaan.
Hadalkaan ayaa waxa uu kusoo beegay taliyaha Ciidamada badda Soomaliya, iyadoo Dowladda Kenya ay sheeganeyso qeyb ka mid ah Biyaha Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya Maadeey Nuuroow Ufuroow ayaa dhinaca kale walaac ka muujiyay Maraakiibta iyo doomaha aan sharciyeysneen ee ka kaluumeysta Xeebaha Soomaaliya kuwaas oo uu ugu baaqay inay sharciga soo maraan oo ay isdiiwaan galiyaan.
Shalay ayey ahayd markii la xusay 50 Sano guuradii kasoo wareegatay Aaska aaska Ciidamadda Badda Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho.