Muqdisho(INO)-Maamulka ururka ganacsiga ee dalalka bariga iyo koofurta Afrika ee COMESA ayaa ka fakaraya in uu aqbalo ama diido codsiyo uga yimid dawladaha dalalka Soomaaliya iyo Tunisia oo kusaabsan in lagu daro ururkaa COMESA.
Shir ay ku yeesheen xubnaha ururkaa Madagascar bishaan Oktoobar gudaheeda ayaa guddiga ururkaa waxaa ogolaanshiyo loo siiyay arinkaa inuu wada xaajood kala galo masuuliyiinta Soomaaliya iyo Tunisia.
Waxaa guddigaa lagu wadaa in uu u soo bandhigo Soomaaliya iyo Tunisia sharuucda iyo sharuudaha COMESA ee kusoo biiritaanka COMESA.
Ayadoo wareegto sidaa lagu xusay ayaa si kastba ha ahaatee, Afhayeenka COMESA Mwangi Gakunga uu tilmaamay in aan la garanayn waqtiga arinkaasi qaadan doono.