Soomaalida Maraykanka Iyo Musharax Donald Trump Maxaa Kala Haysta?

0
174

Minnesota ( INO)-Soomaali badan oo ku nool Gobolka Minnesota ee dalka mareykanka ayaa si weyn ugu walaacsan safar uu gobalkaasi ku tagayo Musharaxa Madaxweyne ee dalka Mareykanka Donald trmp  oo ka socda xisbiga jamhuuriga.

Dadka Soomaalida ah ee Gobalkaasi ayaa trump u arka in uu yahay nin cadaawad  xoogan u haya Muslimiinta dalkaasi iyo waliba Soomaalida muhaajiriinta ah ee soo gaaray dalka Mareykanka.

Trump ayaa la sheegay in u jeedada safarkiisa ay la xiriirto in uu raadinayo dhaqaale u ruurin uu ka sameeyo Gobolka Minnesota oo ay ku badan yihiin qowmiyada Soomaalida in lacagahaasi uu doonayo in trump uu u adeegsado doorashooyinka dalka.

Musharaxa xisbiga jamhuuriga Donald trump ayaa Khudbad uu ka jeediyey 12 Bishan Magaalada Pennsylvania ee dalka Maraykanka sheegay in uu dalkaasi ka joojin doono dadka muslimiinta ah ee soo gala.

Sidoo kale ayaa mr trump wuxuu si gaar ah u weeraray Soomaalida  ku nool dalkaasi mareykanka isagoo xusay in Gobolka Minnesota ay ku badan yihiin dadka qorta Kooxaha Argagixisada oo ay ugu horeeyaan Soomaalida isagoo intaas ku daray in dadka Soomaalida ah ay halis ku yihiin Ammaanka dalka Maraykanka.

Hadalka Donald trump uu jeediyey ayaa caro weyn geliyey dadka Soomaalida  ah ee ku nool dalka Maraykanka kuwaas oo u arka in uu yahay nin aad u neceb dadka Muslimiinta ah.