Soomaalida Haysata Green Card Oo War Wanaagsan Oo u Soo Yeeray

0
209
US President Donald Trump (C) waits at his desk before signing confirmations for James Mattis as US Secretary of Defense and John Kelly as US Secretary of Homeland Security, as Vice President Mike Pence (L) and White House Chief of Staff Reince Priebus (R) look on, in the Oval Office of the White House in Washington, DC, January 20, 2017. / AFP / JIM WATSON (Photo credit should read JIM WATSON/AFP/Getty Images)

Washington DC (INO) – Maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in dadka haysta green card-ka (Sharciga deganaanshaha Mareykanka), uusan saameyn doonin go’aanka dalka looga mamnuucay inay soo galaan dadka kasoo jeeda toddoba dal oo Soomaaliya ay ku jirto.

Waxaa arrintan macnaheedu yahay in haddii aad tahay Soomaali haysta green card, islamarkaana ku maqan dal kale, aad iminka kusoo laaban karto dalka Mareykanka.

Madaxa shaqaalaha Aqalka Cad Reince Priebus ayaa taleefishinka NBC u sheegay “Inta aan ogahay, hadda iyo wixii ka dambeeya dadka haysta green card ma saameyn doono go’aanka madaxweynaha”

Si kastaba, waxa uu sheegay in haddii aad tahay qof haysta green card balse safar badan, ay taasi dhalin doonto in baaritaan dheeri ah laguugu sameeyo.

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay taleefishinka CNN in dadka haysta green card ee kasoo jeeda dalalka Somalia, Syria, Iraq, Yemen, Libya, Sudan iyo Iran ay mari doonaan hubin dheeri ah marka ay kusoo laabtaan Mareykanka, taasi oo ay ka mid tahay in la wareysto ama faro laga qaado. Haddii aysan jirin wax shaki ah waa loo ogolaan doonaa inay soo galaan.

Wasaaradda amniga gudaha Mareykanka ee Homeland Security ayaa shaaca ka qaaday in illaa iminka 81 qof oo haysta green card loo ogolaaday inay soo galaan dalka, tan iyo markii lagu dhawaaqay go’aanka Trump.