Soomaali mar walbo waa Soomaali.

0
217

Tan iyo markii ay qaraxyada ka dhaceen Eastliegh Isniintii lasoo dhaafay, waxaa la xiray kumanaan Soomaali ah, iyadoo Booliska aysan kala sooceyn kuwa sharciga leh iyo kuwaan lahyn.

Qaraxyada ayaa waxaa lala beegsaday Goobo laga caweeyo, waxaa ku dhintay ilaa 6 qof oo isugu jira Kenyan iyo Soomaali, tiro badana wey ku dhaawacmeen.

Ciidamada Kenya oo ka fal celinaya qaraxyadaas, ayaa weerar xoogan kuqaaday dhismooyinka Soomaalida, iyagoo jabinaya Albaabada islamarkaasna Garaacaya oo xiraya cid walbo oo Soomaaliyeed si aan kala sooc lahyn.

“Waxay qabanayeen qof walbo oo Jinsiyada Soomaaliyeed leh iyagoo aan kala soceyn kuwa dhaladka ah iyo kuwa aan ahayn, Su’aashooda 1aad waa meeqa lacag ahaad haystaa si aad isku furato” sidaa waxaa tiri Kaltumo Ahmed, oo ah Hooyo haysata 5 Caruur ah.

Sanadihii ugu danbeeyay Kenya, waxaa ka dhacayay weeraro xiriir ah, waxaana masuuliyada weeraradaas sheeganayay Kooxda Shabaab, waxaana kamid ahaa weerarkii weynaa ee Westgate oo ay ku naf waayeen 67 qof.

“Soomaali mar walbo waa Soomaali” {“SOMALI NI SOMALI TU}

Madaxda Kenya ayaa maalmo ka hor amray in dadka Qaxootiga ah ay ku laabtaan xeryahooda, waxaana arintaas digniin kasoo saaray Hay’adaha QM u qaabilsan Qaxootiga.

Hooyo Kaltuumo Axmed, oo ah muwaadinad Kenyan ah, waxay sheegtay in Booliska Marka ay qabtaan qof Soomaali ah ay ku dhahaan ”Somali ni Somali tu!” oo micnaheed yahay Soomaali mar walbo waa Soomaali, iyagoo fiiriniya kaliya Jinsiyada qofka, waxaana halku dhigaan inta badan adeegsada dhamaan Kenyanka Madowga ah.

Animated-Flag-Somalia

Idale News Online.