Xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Ee Dowlada KGS Oo Dib Loo Dhigay

0
218

Baydhabo(INO)-Waxgaradka ku howlan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed  Soomaaliya ayaa sheegay in dib ay u dhigeen soo xulista Xildhibaanadaasi, maadaama la guda galay bisha Barakaysan ee Ramadaan.

malaqShino

Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo ka mid ah waxgaradkaan ayaa beeniyay in muddo Afar Bil ah dib loo dhigay soo xulidda xildhibaanada, balse markii Ramadaan laga baxo lasoo xuli doono xildhibaanadaasi.

“Afar Bil dib looma dhigin soo xulidda Baarlamaanka, laakiinse waxaan dib u dhigannay oo kaliya bisha Barakaysan ee Ramadaan, wixii Ramadaan ka dambeeya howsha si caadi ah ayaan u wadeynaa oo xildhibaanada ayaa lasoo xulayaa” ayuu yiri Malaaqa.

Waxaa maalmahaan dambe soconayay hadal hayn ku aadan in Muddo Afar bil ah dib loo dhigay soo xulista xildhibaanada baarlamaanka  Dowladda  Koonfur Galbeed, inkastoo waxgaradka ay sheegayaan in muddo Bil ah oo kaliya dib loo dhigay.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here