Somaliland oo si weyn looga dabaaldegay 18-ka May.

0
197

Dabbaaldega 23-guurada markii Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka madaxbanaan tahay Soomaaliya 18-may 1991, waxaa maanta waddada bartamaha ee magaalada Hargeysa gaardis ku maray ciidamada kala duwan , ardayda jaamacadaha iyo dugsiyada sare iyo qaybaha kale ee bulshada, kuwaasoo ku lebbisan qayb waliba direyska u gaarka ah.

Dabbaaldega 23-guurada markii Somaliland ay ku dhawaaqday inay ka madaxbanaan tahay Soomaaliya 18-may 1991

Dabaaldega Somaliland

Noocyada ciidamada maraya waxaa ka mid ah milleteriga, boliiska, asluubta, ciidanka ilaalada xeebaha, kuwa waaxda socdaalka iyo ilaalada madaxtooyada oo salaan siinaya madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo .
Ciidamada milateriga ayaa hub kala duwan la soo maray fagaaraha oo ay ka mid yihiin, gawaarida gaashaaman, tiknikada, madaafiicda goobta, iyo gantaalaha PM-ka.

Waxaa kaloo maraya shaqaalaha dawladda qaarkood, iskaashatooyinka wax soo saarka, haweenka, dhallinyarada, iyo sharikadaha ganacsiga iyo isgaadhsiinta.

Dabbaaldegan 18-ka may oo gobollada Somaliland oo dhan ka socda maanta ayaa sanadkan waxaa hal-ku-dheg looga dhigay “Aqoonsi ku qotoma nabad & Horumar “.

Sanadkan waxaa kaloo goob joog ah dabaaldegan odayaal dhaqameed ka socda koonfurta Soomaliya oo qayb ka mid ahi u joogaan munaasabadan.

Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad ka jeediyay fagaaraha ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay tixgeliyaan oo taageeraan ayuu yidhi go’aanka iyo aaya ka tashiga shacabka Somaliland. Wuxuu sheegay inay sii xoojinayaan wada shaqeynta dalalka deriska ah si mandiqada geeska afrika u noqoto nabadgelyo.

Nabadgelyada magaalooyinka ayaa aad loo adkeeyay beryahan danbe iyo gaar ahaan habeenkii oo lagu arkaayo jidadka Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee waaweyn ciidamo boliis ah.

Xigasho: BBC Somalia

Idale News Online.