somalia:Walwal laga qabo Duufaan Xoogan oo kusoo wajahan

0
241

Wadamo ay ka mid tahay Soomaaliya ayaa waxaa kusoo wajahan Duufaan Xoog leh sida lagu sheegay Qeybta saadaasha hawada ee BBC.

Duufaantan oo loogu magac daray Luban ayaa la filayaa in ay ku dhufato waddanka Cumaan Jimcaha, ka hor inta aysan garaacin Sabtida dalka Yemen,oo aysan ku xigsiin Soomaaliya,Waxaa la sheegayaa in roobab aad u xoog leh ay wadato,taasi oo laga cabsi qabo in khasaaro ay dhaliso.

Xarunta digniinta ka bixisa duufaannada ee Maraykanka ayaa sheegaysa iyadana in heerka duufaantan uu yahay heerka 1aad.

Marka ay gaarto Yemen iyo Cumaan waxay xaruntu sheegaysaa in la fili karo in xoogeedu uu yaraado. Islamrkaasina ay gaarto soomaaliya.

Laakin roobabka xoogga leh ayey sheegtay in ay dhalin karaan daadad khatar gelin kara qaybaha ay ka marayso dalalka ay ku wajahan tahay.

Duufaannada ayaa intooda badan waxay ka kacaan Gacanka  carbeed xilliyada Guga iyo dayrta. Sannadkii ama labadii sanaba mar ayey duufaantaasi saamaysaa gacanka Arabia.

Bishii Maajo ayey ahayd markii duufaanta Sagar oo gacanka Cadmeed ku dhufatay ay sidoo kale garaacday Soomaaliya.

Duufaantan Luban ayaa lagu wadaa in ay cirifka Bari ee Soomaaliya ku dhufato saacadaha hore ee Axadda, ayadoo dabaylahana la qiyaasayo in xoogoodu uu noqon doono kuwo ilaa 60 mayl saacaddiiba ku socda.

Share this: