Muqdisho(INO) – Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa markan suuq cusub uga helay ganacsiga Lo’ da dalal ay ka mid yihiin Cumaan iyo Yaman kadib xayiraadii xoolaha Soomaaliya ay ku soo rogtay dowlada
Boqortooyada Sacudi Carabiya.
Dekedda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa laga dhoofiyay xoolo gaaraya 2,400 oo neef oo lo’ ah kuwaasoo loo qaaday dalalka Yemen iyo Cumaan iyadoo dalalkaasna ay yihiin wadamo suuq u ah xoolaha
Soomaaliya.
Labo markab oo ay saaran yihiin xoolahan ayaa ka shiraacday dekeda Muqdisho iyadoo dalka Cumaan la geyn doono 1,900 oo neef halka wadanka Yemen la geyn doono suuqyadoodo lo’ gaareysa 500.
Dhawaan ayeey aheyd markii boqortoyada Sacudi Carabiya joojisay xoolihii uga iman jirey dalka Soomaaliya kadib markii ay ku sheegeen in caafimaadka xoolaha Soomaaliya uusan wanaagsanayn.
Ugu danbeyntii, xarumaha lagu baaro caafimaadka xoolaha isla markaana lagu sii hayo inta laga dhoofinayo ayaa laga sameeyay magaalooyin badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah iyadoo xoolahaasna laga dhoofiyo
dekedo ku kala yaal dalka Soomaaliya.
Arintan ayaa waxaa ka faa’ideysan doona ganacsatada Soomaaliyeed oo markii hore ku jahwareersanaa warka ka soo yeeray dowladda Sacuudi Carabiya ee lagu dhaliilay caafimaadka xoolaha Soomaaliyeed.