Siyaasiyiinta & Oday-dhaqameedyada Beesha Xawaadle oo faraqa is haysta

0
292
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2012/08/khilaafka-beesha-xawaadle1.mp3]

Khilaafka ka dhex jira siyaasiinta iyo odey-dhaqameedyada beelaha kala duwan ee Somalida ayaa gaarey heer aad u qaraar iyadoo odey-dhaqanmeedyada iyo siyaasiinta isku eedeynayaan faragalin, musuqmaasuq iyo kala iibsi kuraasta xubnaha cusub ee ka mid noqonaaya Barlamaanka cusub.  masuuliyiinta sare iyo xukuumada lagu eedeynaayo iney faragelin ku haayaan howsha beelaha halka siyaasiyiinta dhankooda ay cabasho ka muujiyeen qaabka odey-dhaqameedku howsha u wadaan oo ay ku tilmaameen iney iibsanaayaan kuraastii beesha laheyd iyo nin jecleysi ay ka wadaan beesha dhexdeeda.\

Nabadoon Axmed Adan Caalim oo ka mid ah odey-dhaqameedka laga sugaayo soo gudbinta xildhibaada beeshiisa u matali laheyd ayaa wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga  C/raxmaan Goodax Barre ku eedeeyey faragelin halka wasiir Goodax sheegey in masuqmaasuq hareerey odey-yaasha oo fursad u arkey xaalada hadda socota.

Lama garan karo khilaafkaan cusub iyo cabashooyinka dhinacyada is haya iyo  waxa guddiga farsamada ee soo Xulista Barlamaanka “arbitrary committee” ka qabtaan eedeymahaas.  Taasoo guddiga u sii dheer tahay waqtiga oo yar, loolanka siyaasadeed ee saxiixayaasaha iyo weliba criteria lagu soo xulaayo xubnaha barlamaanka oo u muuqato durbada meel la iska dhigey maadaama dagaal oogayaashii Somalida intooda badan odey-dhaqameedyadu soo gudbiyeen.

 

Idale News Online “INO” Muqdisho.

 

Idale News Online “INO” Muqdisho