Waxaa Madaxtooyada Soomaaliya ka bilowdey wada tashiyo gaar gaar ah oo uu madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamed la yeelanaayo siyaasiyiin iyagu daneynaaya qabashada xilkii uu baneeyey Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Siyaasiyiintaasi oo u badan shaqsiyaad ka soo jeeda dhinacyada Puntland iyo beesha R/wasaarihii hore, waxaa dadka safka hore ku jira ka mid ah Jaamac Cali Jaamac oo isuga horey u soo noqday madaxweynaha Puntland, Nuuradiin Aadan Diiriye oo ah nin dhalinyaro ah oo horey uga mid noqday la taliyaasha madaxweyne Xasan haatanse si gaar ah ula shaqeeya wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaaliya Nicholas Kay, Dr Max’ed Sheekh Doodishe oo isugu ka tirsan xisbiga PDP ee uu madaxweyne Xasan ka tirsan yahay, iyo Max’ed C/laahi Farmaajo oo dadka reer Muqdisho ay aad ugu ololeynaayaan in xilkaasi loo dhiibo.
Madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud oo looga fadhiyo inuu muddo kooban ku soo magacaabo xilkaas ayaa waxaa warar aan si dhab ah loo xaqiijinin sheegayaan in madaxweynuhu taageero u raadinaaya wasiir hore uga tirsanaa dowladihii kmg oo xiriir aad u dhow la lahaa mudooyinkii ugu dambeeyey madaxweynaha kaasoo lagu magacaabo Xuseen Cabdi Xalane.
Xuseen Cabdi Xalane ayaa wasiirka maaliyada iyo lacagta ka noqday mid ka mid ah dowladihii kmg ahaa, horayna shaqaale uga soo noqday hay’ada Save the children. Si kastaba ha noqotee madaxweynaha ayaa looga fadhiyo cida uu u magacaabo R/Wasaaraha bedelaaya Saacid in barlamaanka ka gato isaga iyo golihiisa wasiirada.
Idale News Online, Mogadishu.