Siyaasi Kenya ka dalbaday in ay JooJiso Fara gelin uu sheegay in ay ku heyso Jubbooyinka

0
191

Siyaasiga Xuseen Boot oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobollada Jubbooyinka ayaa ku baaqay in dowladda Kenya ay Joojiso Fara gelin uu sheegay in ay ku heyso Gobolladaasi.

Mr Boot ayaa tilmaamay in Kenya fara gelinteeda Jubooyinka uu marayo heerkii ugu sareeyay waxa ay iminka u soo Magacaawday Safiir taasi waa mid meel ka dhac u ah Madax banaanida dalkeenna.

waa kii la kulmayay Ninkaan ay soo Magacaabeen Axmed Madoobe , maxaa looga dan leeyahay haddii aanu dano gaar ah lahayn in Kenya Safiir u soo Magacaawdo Kismaayo” ayuu Yiri Siyaasiga Xuseen Boot.

Kenya oo Ciidamada ay qeyb ka yihiin AMISOM ayaa si gaar ah loogu eedeeyaa in dhibaato ka wadaan Ciidamadeeda Gobollada Jubbooyinka ayna u xagliyaan Maamulka KMG ah ee Jubba oo ay jiraan dhinacyo ka soo horjeeda oo wax ka dega Gobollada Jubbooyinka.

topsecret

Idale News Online.