Siyaasi Ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo lagu xiray Degmadda Berbera.

0
178

Boliiska magaalada Berbera, ayaa maanta xiray Gudoomiyihii xisbiga Kulmiye ee haya talada Somaliland ee gobolka Saaxil Berbera, Halac Dhegoole.

Waxaa kaloo xabsiga la dhigay laba xildhibaan oo ka tirsanaa golaha deegaanka ee magaalada Berbera, oo isla xisbiga Kulmiye ka tirsan. Waxay kala yihiin xildhibaan Daahir aw-Nuur iyo xildhibaan Rashiid aw-Xasan.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil, Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa BBC u sheegay in mas’uuliyiintaasi la xiray kadib markii ay ku kaceen wax uu ku tilmaamay bannaanbax aanay fasax u qaadan oo khalkhal ay geliyaan xasiloonidii magaalada Berbera.

Wuxuu intaasi raaciyay in sharciga la horgeyn doono saddexdaasi mas’uul, oo uu yiri waxay boolisku soo qabteen, iyagoo faraha kula jira dambiga lagu soo eedeeyay .

Dhinaca kalena , gudoomiyaha guud ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa saxaafadda u sheegay goor dhoweyd in xariga mas’uuliyiintaasi Berbera yahay sharci darro ka soo horjeeda dastoorka Somaliland, xeerka xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo xuquuqda xorriyadda hadalka.

Wuxuu Muuse Biixi sheegay in waxa keliya ee lagu xiray saddxedaasi mas’uul ay tahay, iyagoo taageeray gudoomiyaha guud ee xisbiga Kulmiye, wuxuu intaasi ku daray in shalayba Berbera lagu qabtay munaasabad lagu taageerayo madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, oo aan la is hortaagin .

Xadhigan, ayaa la xiriira khilaafka beryahan danbe ka dhex taagan xisbiga Kulmiye ee dhinaca loollanka awoodda, oo u dhexeeya labada garab ee ay kala hogaaminayaan madaxweynaha iyo gudoomiyaha xisbiga.

Waxaa jira dadaal dhex dhexaadin oo la doonayo in labada dhinac la isku soo dhaweeyo. Waxaa ka mid ah mid uu wado gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleemaan Maxamuud Aadan, oo maanta BBC u sheegay in guddiga guurtida ka tirsan uu ku dhex jirto xallinta khilaafka xisbiga Kulmiye.

Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaa uu BBC u sheegay in Muuse biixi uu ogolaaday inuu aqbalo wixii golaha guurtidu ugu taliyo.

Xigasho: BBC Somalia

kuliye

Idale News Online, Berbera.