Siyaasada Madaxda Maamul Goboleedyada KG Soomaaliya & Puntland Oo La Dhaliiley

0
240

Baydhabo (INO) – Madaxweyniyaasha maamulada  Koonfur Galbeed soomaaliya  iyo Puntland ayaa sida la sheegey kala Aqoonsan la’ Halka ay ka Amar qaataan, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo tan Itoobiya, iyadoona  ay soo  baxayaan dhaliilo ku aadan siyaasada labadaasi masuul loo soo jeedinayo.

shariif&Gaas

Cabdi Weli Gaas iyo  Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa u Kala Soocmi la’ ilaa Hadda tan ay sida Tooska ah uga Amar Qaataan Dowladda Soomaaliya iyo tan Itoobiya, oo Labaduba waxaa ay si Toos ah ugu Lug leeyihiin Siyaasadda iyo Arrimaha Kale ee Deegaankaba.

Waxaa loo Sababeynayaa Hadalkan, Siyaasad ahaan Marka ay is Qilaafaan Dowlada Soomaaliya  waxaa ay u Aadaan Itoobiya Xalka Arrintooda, waxaana Taasi ay Dhalisay in Dadka Siyaasaddu ku Wareeraan Cidda ay ka Tirsanyihiin ma Dowladda mase Itoobiya?.

Lanadaan Xubnood iyo Xubnaha kale ee uu ka mid yahay,  hogaamiyaha maamulka jubba Axmed Madoobe ayaa waxaa ay Maqaam ahaan ka Tirsanyihiin Dowlada Soomaaliya , Balse waxaa ay Siyaasad ahaan ka Talo iyo Amar qaataan Dowladda Itoobiya.

Idale News  Online – Addis Ababa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here