Sirdoonka dowladda Kenya oo magaalada Kismaayo ka wada Qorshe cusub oo halis ah

0
209

Kismaayo(INO)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Dowlada Kenya ay halkaasi ka qoranayaan dhalinyaro dhar cad ah, oo u jaajuusa.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamadaasi ay u badan yihiin kuwo horay ay usoo tababartay Dowlada Kenya, waxa uuna ujeedku yahay in Sirdoonka Kenya ay ka caawiyaan xogaha la xiriira Maleeshiyaadka Alshabaab.

Ilo xogagaal ah ayaa sheegaya in kaliya Dowlada Kenya ay baxsaneyso Mushaaraadka Ciidamadaasi dhar cadka ah, waxaana jiro warar sheegaya in lasiin doono tababar mudo kooban qaadanaaya si looga dhiso dhanka wardoonka.

Ciidamadaani ayaa laga howlgalin doona Xadka kala beyra Somalia iyo Kenya, waxa ayna la shaqeynayaan kuwa Kenya u jooga xadka.

Qorshahaani ayaa waxa uu iminka xoogiisu ka socda Garoonka diyaaradaha Kismaayo, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Saraakiil ka socta Hay’ada Sirdoonka Kenya.

Arrintaani ayaa imaaneysa xili dhawaan Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe uu shaaciyay in Dowlada Kenya ay siinayaan ciidamo ka caawiya ilaalinta xadka si ay uga hortagaan xagjirka isaga kala gooshaya labada dal.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here