Sirdonka DFS oo Muqdisho ku qabtay hub & gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay

0
205

Muqdisho(INO)-Ciidamo katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ayaa shalay howlgal qorsheesan waxa ay ka fuliyeen xaafad katirsan Degmada Dayniile, waxa ayna howlglkaasi kusoo qabteen hub iyo rasaas badan oo Al-Shabaab laahaayeen sida uu sheegay Afhayeenka Wasaarada Amniga.

Howlgalka inta uu socday ayaa la sheegay in ciidamada dowlada Xaafad katirsan Degmada Dayniile ay ka heleen god ay Al-Shabaab ku duugteen hub iyo rasaas badan, waxaana hubka la helay ku jiray qoryo fudud iyo bistoolado.

Afhayeenka wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf Cisman, oo Warbaahinta kula hadlay halka hubka laga soo saaray ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada ay heegaan ku jiraan ayna u diyaarsanyihiin fashlinta qorshaha Al-Shabaab ee ku doonayaan in weeraro ku geestaan.

Waa uu intaa raaciyay Afhayeenka in howlgalku socday in Ciidamada nabad Sugida ay gacanta kusoo dhigeen hub iyo rasaas farabadan oo la sheegay in Al- Shabaab ku aasteen guryo ku yaala xaafad katirsan degmada Dayniile.

Dhinaca kale Afhayeenka ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada booliiska ay Magaalada Muqdisho ku qabteen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo ninkii watay , waxa uuna intaa raaciyay in baaritaano lagu hayo gaarigaasi iyo ninka watay.

Ciidamada Dowlada ayaa mudooyinkii dambe Magaalada Muqdisho waxa ay ka wadeen howlgalo balaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka guud, waxa ayna Ciidamada ku guuleesteen sida Saraakiisha Dowlada sheegeen kahor tagista weeraro ismiidaamin iyo dilal qorsheesan.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here