Sii hayaha Wasaaradda Gaashaandhiga oo gaaray Degmada Tayeeglow

0
208

Sii hayaha Wasaarada Gaashaandhigga ee Dowlada Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta gaaray degmada Tayeglow ee gobolka Bakool waxana wafdigiisa ka mid ahaa Sii hayaha Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Federaalka Maxamuud Macalim Yaxye.

 

xaamud

Ujeedka Wafdiga uu hogaaminayo Sii hayaha Wasaarada Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ay qalabeynayaan cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo dhowaan tababar loogu soo xiray degmadaasi.

 

Masuuliyiintii ka socotay Dowlada Soomaaliya ayaa kulan la yeesheen mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo qeybaha bulshada ee halkaasi,iyagoo kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin xalinta dhibaatadii ka dhalatay haween dhowaan lagu laayay degmada Tayeglow.

 

Maxamed Sheekh Xaamud Sii hayaha Wasaarada Gaadhaandhigga oo la hadlay askar ka tirsan Ciidanka qalabka sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in ay mudnaanta koowaad siiyo Ciidamada qalabka sida ee dalka.

 

Sidoo kale mas’uuliyiinta wafdigan ayaa waxaa ka mid ah xubo ka tirsan laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortaga askareynta Carruurta kuwaas oo hubinaya in askarta dowladda Soomaaliya ay tababarto ay  ku jiraan carruur iyo in kale.

 

Dhawaan ayay ahayd markii Cutubyo ka tirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya Tababar loogu so xeray Degmada Tayeglow ee gobolka Bakool kuwaasi oo la doonayo iney ka howlgalaan Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool.

Idale  News Online, Tiyeeglow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here