Shirweyne Amaanka Looga hadlaya oo ka furmaya Muqdisho.

0
196

Waxaa ka furmaya shirweyn looga hadlayo amniga dalka, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada amniga Xukuumadda Soomaaliya.

Shirkaan waxaa ka qeybgalaya xubno ka socda Maamulada Gobalada dalka Soomaaliya qaarkood, Khabiiro dhanka ammaanka ah iyo qaar kamid ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho oo aragtidooda dhanka amniga ka hadli doono.

Hoteelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho ayuu muddo afar maalin ah ka socon doonaa shirkaan, oo lagu wado in saacadaha soo socda uu Hoteelkaasi ka furo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa kaloo ka qeybgalaya shirka khuburo dhanka ammaanka ku xeeldheer oo ajaanib ah, kuwaasi oo dhankooda kubiiran doona tallooyinka shirka sida ugu wanaagsan ee ammaanka loo sugi karo.

Ujeedada shirkaan loo qabanayo ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay aragtida shacabka iyo Khuburada dhanka ammanka in la helo, maadaama la doonayo in la sameeyo qorshe guud oo ku aadan xasilinta ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan goobaha ay Dowladda gacanta ku hayso.

Dowladda Soomaaliya ayaa guluf colaadeed kula jirto dagaalamayaasha Shabaab oo weli ku xoogan Gobolo badan oo dalka ka tirsan.

Inta ugu badan muhiimada shirka ayaa ah sida la sheegay tallooyin ku aadan sugidda ammaanka.

Muqdisho1

Idale News Online, Muqdisho.