Muqdisho(INO)- Shirka Madasha Hoggaamiyayaasha Qaranka Soomaaliyeed ayaa maalintii labaad ka soconaya Magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa lagu wadaa in maanta la soo gaba gabeeyo islamarkaana laga soo saaro Bayaanka ay isku raaceen masuuliyiinta dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada.
Warar ay heleyso Warbaahinta ayaa xaqiijinaya in uu jiro is mari waa xoogan oo ka taagan arrinta Maqaamka Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in la isku mari la’yahay soo jeedin ku aadan in Muqdisho ay ku yeelato 8 xubnood aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Xubnaha 8-da ah ayaa la sheegay in qorshuhu yahay in 4 ka mid ah ay yeelanayaan beelaha ugu badan ee degan Caasimadda Muqdisho halka 4-ta kale loo qoondeeyay beelaha Soomaaliyeed ee kale.
Balse aragtidaas ayaa lagu soo warramayaa in ay u cuntami la’dahau maamul Goboleedyada qaar sida maamulka Puntland waa sida ay ku soo warramayaan ilo wareedyo ku dhow dhow shirkaasi ka soconaya Muqdisho.
Hoggaamiyayaasha Soomaalida ayaa horay isku raacay hanaanka doorashada Madaxtinimo ee dalka , kaas oo uu xeer Madaxweyne ku dhaqan geliyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud .
Hayeeshee waxaa soo ifbaxay is qab qabsi la xiriira xuquuqda Gobolka Banaadir oo ay ku nool yihiin illaa 3 Million oo qof.
Maamullada ka soo horjeeda Maqaamka Muqdisho ayaa rumeysan in masuuliyiinta dowladda Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha ay dan weyn ugu jirto xubnahaasi aqalka sare reer Muqdisho ay ku yeelanayaan.
Idale News Online, Muqdisho