Shirkii Golaha Wasiirada oo khamiis kasta la qabto oo qabsoomey iyadoo wasiiro badan ay maqan yihiin

0
204

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shirkoodii khamiislaha waxaa uu xilligan uga socdaa Xarunta Madaxtooyada, iyadoo dhowr Wasiiro ay ka maqan yihiin madasha.

Warar ay heleyso Idale New Online ayaa sheegaya in ilaa Labo wasiir kaliya ay soo xaadireen kulanka iyo 7-ku xigeeno iyo wasiiro dowlayaal, taasoo ah kooram ahaan mid suura galay inuu shirka ku furmo.

Kulanka oo uu shir gudoominayo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada C/hi Abyan, Wasiirka Kheyraadka C/risaaq, Wasiiru dowlaha Maaliyaha Max’ed Rashiid Shekh Daahir halka Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi markii hore  yimid shirka hase ahaatee markuu uu arkey tirada iyo wasiir ku xigeenada u badan fadhiga isagu tagey, lama oga inuu fasax weydiistay Ra’iisul Wasaaraha iyo inuu iskiis u baxay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Wasiirada maqan ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna wasiirada Arrimaha Dibada Fowziyo Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiiro la sheegay inay safaro shaqo dibada ugu maqan yihiin.

koromkaGolaha

Sidoo kale waxaa kulanka Golaha Wasiirada soo xaadirin Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir oo la sheego inay dhif iyo naadir yihiin ka qeyb galka kulamada ay yeeshaan Golaha Wasiirada.

Inkastoo oo uu shirka haatan socdo ayaa la filayaa in sidii caadada aheyd laga soo saaro war saxaafadeed ku saabsan waxyaabihii looga hadlayay, hase ahaatee shirka maanta ayaa ku soo aadaya, iyadoo wali khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan la qaatay Wasiiru u tagay Ra’iisul Wasaaraha oo ka dalbaday inuu is casilo, iyadoo wasiiradaas badankood ay yihiin kuwo ku xiran Madaxweynaha.

Goor sii horeysay ayaa waxaa soo baxayay shaki laga qabay inuu baaqdo Kulanka Golaha Wasiirada oo ay la xiriirto arrinta khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyo in kooram la’aan uu ku furmi waayo, maadaama inta badan Wasiirada ay dhinaca Madaxweynaha la safan yihiin.