Shirkada SKYGREECE oo Muqdisho ka bilowday Duulimaadyo+ Warbixin.

0
201

Diyaarad laga leeyahay Wadank Gariiga oo si toos ah uga soo kicitintay magaalada Stockholm Wadanka Sweden  ayaa maanta marki ugu horeysay waxa ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Mqudisho.

Diyaaradan oo magaceeda uu yahay SKYGREECE ayaa waxa ay bilaabeysaa  duulimaadyo toos oo isku xiri doono Soomaaliya iyo Yurub, iyadoo si gaar ah ay socdaal ku tegi doonto wadamada Greece,Britain, Sweden iyo Soomaaliya, waxaana iska kaashaday ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwa ka soo jeeda dalka Greece, taasi oo u jeedkuyahay in Jaaliyadaha Soomaaliyeed laga haqab tiro duulimaadyada ay ku doonayaan inay ku socdaalaan Soomaaliya iyo dunida inteeda kale.

Munaasabad xarigga looga Jarayay duulimaadyadan cusub ayaa waxaa ka qeb galay Wasiiro, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, saraakiisha hay’adaha amniga iyo Madaxda diyaaradda cusub.

Ugu horeyn mid ka mid ah mas’uuliyiinta diyaaraddan SKYGREECE oo saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka ayaa sheegay in diyaaraddan ay isaga kala gooshi doonto caasimadaha London oo Ingiriiska ah, Athens oo Gariiga ah, Stockholm oo ah caasimadda Sweden iyo caasimadda Muqdisho ee Soomaaliya.

Taliyaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya Jeneraal Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in tani ay tusaale u tahay horumarka dalku uu ku talaabsanayo.

“Waxaan garoonkan ka soo bilownay, iyadoo hal diyaarad saf loogu jiro, dadaal badan ayaan sameynay, waxaana joognaa in diyaarado caalami ah ay iminka garoonka ka soo degaan” ayuu yiri Jeneraal Gaafoow.

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan ayaa sheegay in Wasaaradda Ganacsiga ay dhiiri gelineyso ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan horumarka dalka ka socda.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Gaadidka iyo Duulista Hawada Mudane Xirsi Aadan Rooble ayaa tilmaamay in is bedel weyn uu ka muuqdo Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isagoo xusay inay soo kordhayaan duulimaadyada caalamiga ah ee ka bilaabanaya gudaha dalka.

Waa horumar la taaban karo oo dalkeena kusoo kordhay in la helo duulimaadyo caalami ah oo ka howl bilaaba dalka waxaana diyaaradda SKYGREECE  ee dalka maanta ka howl bilowday ka horeeyay diyaaradda Turkish Airline oo isku xirta magaalada Muqdisho iyo qaar ka tirsan Wadamada Yurub.

SkyGreece

Idale News online, Muqdisho.