Shirkada caanka ah ee google ayaa soo saartey qaab cusub oo eey u isticmaaleeyso xayeeysiinadeeda iyadoo adeegsaneeysa sawirada ciwaanka shaqsiga taasoo markii hore qofka eey gaar u aheyd.
Google ayaa maanta oo ah 11-01-2014 waxa ay ku dhawaaqday in ay sawirada shaqsiga ah ee dadka cinwaanada Gmail-ka ah ku leh google in ay u isticmaaleyso xayeysiismo caam ah, hadii uusan qofku iska xiran, ayadoo sheegtay in uu jiro meel laga xiri karo qofkii aan dooneyn in sawirkiisa loo isticmaalo xayeysiiska caamka ah.
Arrintaan ayaa dhaceeysa kadib marka uu qofka soo bandhigo sawiro ama uu comment ka bixiyo sawiro kale oo qof eey sxb yihiin leeyahay ama uu sameeyo dhaq dhaqaaq kaleento markaas ayaa shirkada Google waxa ay sawirkiisa kusoo dareysaa malaayiinta xayeysiismo ee ay shirkadu internet-ka u suuq geyso, laakiin shirkada google ayaa ka dhigeeysa kuwa eey dadka inta badan arkaan waxeeyna adeegsaneeysaa sawirada qofkii isticmaalaya google oo saaran profile ka ama bogiisa gaarka ah.
Arintaan oo dadku intooda badan aysan fahmi karin, ayaa ah mid halisteeda leh oo u baahan in laga digtoonaado,Warsahal.com ayaana ku leh hadii aadan iska xiran oo aadan Private ka dhigan sawiradaada Google+ ama Gmail kuu saaran waxaa macquul ah in sawirkaadu noqdo mid ku faafa baraha caalamka sida website-yada anshax xumada, iyo muuqaalada Youtube ku jira.
Idale News Online