Idale Somali News Update Shirka Lagu Heshiisiinayo Beelo ku Dagaalamay SH/hoose oo Maalintii Labaad galay By News-Editor - January 26, 2015 0 204 Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Afgooye(INO)-Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeeladda Hoose ayaa waxaa ka Socda Shir Balaaran oo lagu Heshiisiinaayo Beelo ku Dagaalamay Gobolkaasi Sahbeelada Hoose iyadoo Maalinta uu Galay maalintiisii Labaad. Kulanka waxaa shalay daah-furay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomalaiya Shariif Xasan sheekh Aadan kaasi oo Kolkasi Rajo Wanaagsan ka Muujiyay in shirkaani oo si wanaagsan kusoo Idlaado. Gobolka shabeeladda Hoose ayaa waxaa Marar Badan kusoo Laablaabtay Dagaal Beeleedyada U dhaxeeya Dadka wada Dega Gobolkaasi kuwaasi oo isku Qabta Dhul Beereedyo. Ugu Dambeyntii Gogosha Laga Furay Gobolka Shabeelada Hoose ayaa waxaa la Filaya in ay isku Gacan Saaraan Beelaha Dagaalku uu Dhex maray. Idale News Online, Afgooye.