Jowhar(INO)- Wasaarada Arrimaha gudaha oo hogaan u ah shirka maamul u sameynta labda gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan iyo ergada ka qeybgalaysa shirka ayaa waxaa ka dhex jira muran ku saabsan arrimaha dastuurka qabya qoraalka uu yeelanayo maamulka cusub ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Shirka oo ka socda hool weyn oo laga dhex dhisay xarunta shirkada Farjano ee magaalada Jowhar ayaa saaka wasaarada arrimaha gudaha waxa ay u sheegtey ergada inay soo bedelaan calankii xalay ay doorteen kaasoo warbaahinta dalka lagu soo bandhigay.
Xoghayaha guud ee wasaarada Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahin oo shir guddoominaya kulanka ay ergada ku yeelanayaan magaalada Jowhar ayaa ka meermeeray shalay in uu xaqiijiyo in la isku raacay caasimada labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan kadib markii si aqlabiyad leh ay ugu codeeyeen ergada in caasimada ay noqonayso Jowhar.
Wareysi uu siiyay idaacada codka Maraykanka Laanteeda afka soomaliga ayuu ku macneeyay Yaxye Cali Ibraahin in si rasmi ah aan wax la isku raacin balse warbaahintu ay wararkeeda sheegi karaan, hadalkan oo u muuqda mid maldahan ayaa waxaa ka muuqanaysay in uu diidayo in si cad ay wasaarada arrimaha gudaha u sheegto in shirka uu isku raacay caasimada maamul goboleedka.
Xalay ayaa sidoo kale la soo bandhigay calanka iyo magaca maamulka uu yeelanayo balse saaka ayaa wasaarada arrimaha gudaha ergada u sheegtay inuusan ahayn calankii xalay la isku raacay kan saxda ah lana doonayo in la bedelo.
Sidoo kale wasaarada arrimaha gudaha ayaa sheegtay in markale cod loo qaadayo caasimada labada gobol.
Kulan saaka ka furmay hoolka shirarka ayaa weli sii soconaya iyadoo la doonayo in markale codad loo qaado go’aanadii shalay iyo xalay ay gaareen ergada.
Qaar kamid ah ergada shirka ka qeybgalaysa ayaa isaga baxay shirka shalay iyadoo ergadaana ay ahaayeen kuwo ka soo jeeday degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.