Shirka Hiigsiga Cusub Ee Sanadka 2016 Oo Maanta Ka Furmaya Garoowe

0
248

Garowe(INO)-Waxaa Maanta Magaalada Garoowe ka furmaya Shirka wadatashiga Hiigsiga 2016 oo ay ka qeybgalayaan Madaxda Maamul goboleedyada dalka iyo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud.

xasan

Madaxwenaha Soomaaliya ayaa shalay gaaray Garoowe, waxaa sidoo kale maanta la filayaa inay gaaraan Magaaladaasi, Madaxweynayaasha Maamulada Jubba iyo Koofur galbeed.

Shirkaan ayaa arrimaha looga hadlayo waxaa ka mid ah meelmarinta Federaalka iyo sidoo kale in doorashada ay qabsoonto sanadka 2016.

Wariye Xassan Baashi oo ku sugan Garoowe, ayaa sheegay in Ammaanka Magaalada aad loo adkeeyay, oo waddooyinka lagu arkayo Ciidamada Nabadgalyada Puntland.

Wajigii l-aad ee Shirka Madaxda Maamulada iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ka dhacay Magalada Muqdisho, shirkaasi oo qodobada kasoo baxay ay ka mid ahayd in si wadajir ah loogu diyaar garoobo Hiigsiga 2016.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here