Copenhagen(INO)-Shirka looga hadlayay dib e u eegista wax qabadka Soomaaliya iyo ” Hiigsiga Cusub” ee shalay ka furmay magaalada Copenhagen ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo idleeyo magaaladaasi.
Shirka ayaa waxaa si wada jir ah u shir gudoominayay Xasan Sheekh Maxamuud iyo mas’uuliyiin ka socota Qaramada Midoobay ayaa shir-guddoominaya shirka oo ay ka qeyb galayaan 54 wufuud ah oo ka socota caalamka.
War-murtiyeed laga soo saaray shirka oo ka kooban 24 qodob ayaa lagu sheegay in looga hadlay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha sanadkan soo wajahay dowladda Soomaaliya iyo wax ka qabashada arrimaha muhiimka u ah sanadka dambe.
Barnaamijka ‘Hiigsiga cusub’ ayaa lagu sheegay inuu baal cusub u furayo xiriirka dowladda federaalka ah iyo beesha caalamka, wuxuuna horseed u noqonayaa sidii dowladda Soomaaliya ay uga shaqeyn laheyd degenaashaha iyo horumarinta dalka, iyadoo taageero ka heleysa beesha caalamka.
War-murtiyeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ku ammaanan tahay dadaallada nabadda iyo horumarka ee ay sameysay labadii sano ee la soo dhaafay, beesha caalamkana ay garwaaqsan tahay dadaalladaasi, balse loo baahan yahay in la sii xoojiyo.
Arrimaha ammaanka iyo burcad badeedda oo lagu xusay war-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM ay guulo ka soo hoyeen dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, halka dhibaatada burcad badeedda lagu sheegay inay yaraatay, laakiin dowladda looga baahan yahay inay sugto amniga xeebaheeda.
Waxyaabaha kale ee war-murtiyeedka lagu sheegay waxaa ku jira wax ka qabashada arrimaha xuquuqda aadanaha, sinnaanta, shaqo u abuurista dhallinyarada iyo xoojinta ammaanka.
Idale News online, Copenhagen