Gedo(INO)-Shirar iska soo horjeedo oo kala ujeedooyin ah ayaa kala kala furmaya Magaalooyinka Dooloow iyo Garbahaareey ee Gobolka Gedo.
Shirka Garbahaareey oo loogu magacdaray Midnimada 2 ayaa waxaa looga soo horjeedaa hanaanka uu u dhisan yahay Maamulka Juba.
Kulanka kale ee Degmada Dooloow waxaa lagu soo xulayaa xubnaha Barlamanka Juba, waxaana horboodaya Kulankaasi Madaxweyne kuxigeenka Juba Fartaag.
Maxamed Cali Xaashi oo qeyb ka ah Shirka Garbahaareey ayaa sheegay in mid ka socda Dooloow ee lagu xulayo Xildhibaanada uu yahay iskudir iyo carqaladeyn Dadka Deegaanka ah. Beesha Caalamka iyo Dowladda soomaaliya ayaa aqoonsan Maamulka Juba ee Axmed Madoobe.
Idale News Online Gedo.