Muqdisho (INO) – Waxaa Hool ku yaala xeyndaabka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho goor dhow ka furmay shir looga hadlayo marxaladda siyaasadeed ee uu dalka marayo iyo khilaafkan ee ka taagan hannaanka loogu diyaar garoobayo doorashooyin dalka ka dhacaya dabayaaqada sanadkaan 2016-ka.
Kulanka waxaa ka qeyb gelaya dhammaanba madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka, halka dhinaca kale ee beesha caalamka ay ka mid yihiin: Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ammaanka, Midowga Afrika, safiirada dalalka caalamka ee daneeya arrimaha Soomaaliya iyo diblomaasiyiin kale.
Beesha caalamka ayaa ku qancineysa dhammaanba madaxda Soomaalida inay ka dhabeeyaan heshiisyadii ay horay u galeen sidiisana lagu qaato, isla markaana meel iska dhigaan khilaafka ku saabsan masiirka dalkooda, haddii kale ay qasab tahay in beesha caalamku soo farageliso go’aana u gaaraan Soomaalida.
Faragelinta beesha caalamka ayaa ku soo beegantay xilli uu fashil ku dhammaaday shir Villa Somalia ku dhex maray madaxda Dowladda Federaalka iyo guddiga loo saaray dib u eegista heshiiskii ku saabsanaa hannaanka doorashooyinka dalka.
Shirkaan Airport Muqdisho ka socda ayaa la filayaa inay ka soo baxaan go’aano xal u noqonaya khilaafyada siyaasadeed ee madaxa Soomaalida, hase yeeshee doorka beesha caalamka ay ku leedahay oo looga maarmi waayay inay soo farageliyaan khilaafka Soomaalida ayaan la ogeyn sida ay u hirgelin lahaayeen go’aanada ka soo baxa shirkaasi.
Idale News Online, Mogadishu, Somalia