Addis(INO)- Gudiga Isku Xirka Howlgalka Militeri Ee MOCC loo soo gaabiyo ayaa waxay soo jeediyeen in Ciidan Cusub oo Nabad ilaalin ah loo soo diro Dalka Soomaaliya.
Kulan Midowga Africa ku yeesheen Magaalada Adis Ababa ayaa Howlgalka AMISOM laga dalbaday in Afar Kun Askari oo Dheeraad ah loo diro Soomaaliya si baa la yiri Amniga ay wax uga qabtaan.
Shirka 22aad Ee Midowga Africa ayaa Adis waxa kaga qeyb galay Xubno ka socday Dalalka Ay Soomaaliya Ciidanka ka joogaan kuwaasi oo falan qeeyey Xaalada Amni xumo Ee Soomaaliya ka jirta.
Waxa Shirkaasi lagu dalbay in Ciidamo Dheeraad ah loo baahan yahay in Midowga Africa usoo diro Soomaaliya si ay ula dagaalamaan baa la yiri Maleeshiyaadka Al Shabaab sida warka lagu yiri.
Inta uu shirka socda waxa lagu soo hadal qaaday Sahayda Ciidanka AMISOM ay ubaahan yihiin ee raashinka,Shidaalka iyo Caafimaadka in sidoo kale laga taageero maadaama howlgal ay askarta ku jiraan.
Shirka soo socda ee Bilowga Isbuuca Koobaad Ee Bisha Febraayo Todobaadka dambe ayaa la qorsheeyey in Arintaan la isla falan qeyn doono sida laga yeelayo marka ay iskugu yimaadaan Gudigaan MOCC Magaalada Adis ababa Ee Caasimada Itoobiya.