Muqdisho: faafaahin ka soo baxaya kulan xasaasi ah maanta ay yeesheen dhamaan xildhibaanada iyo wasiirada koonfur galbeed soomaaliya uuna shirgadoomiyay gudoomiye jawaari.
Kulanka ayaa ahaa mid aad u xiiso badan isla markaana hadalo kulkulul is weedaarsadeen xildhibaanada gaar taageersan shariif xasan iyo aadan iyo kuwa xaq jirka u ah in la dhiso maamul lex gobol ah.
Hadalada xildhibaanada ka dib waxaa hadlay gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, asigaana yiri odoyaasha waxay sameeyeen Dastuurkii wayna ansixiyeen Calankiina la taagay, aan ka codsano Odayaasha inay nala sugaan inta harsan.
Jawaari ayaa sheegay inay tagi doonaan magaalada baydhabo si ay u xaliyaan arigtida kala duwan ee ka soo baxaya gudaha magalada baydhabo ee xaruunta gobolka baay.
Hadalka Jawaarey Ka Dib waxaa mar qura hadal kulul la soo boodey xildhibaan Aweys oo uu yiri Ma jirto wax kale oo nalaga sugaayo waayo waxaan tagin xiligii Dastuurka iyo calinsaarkii loona baahnaa in halkaasi aan ku sugnaano qeybna ka noqono dadka u dabaal degaya calansaarkii baydhabo ka dhacay.
Dood iyo hadalo kulkulul ka dib waxaa xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada KG soomaaliya ay isku raacaan in la qaato taladii uu soo jeediyay gudoomiyaha baarlamaanka soomaaliya Pro jawaari oo ahaa in codsi loo jeediyo Odoyaasha dhaqanka ee KG soomaaliya oo shirka baydhabo hormuud ka ahaa.
Waxaan la ogaan karin talada jawaari inay qaadandoonaan Odoyaasha dhaqanka ee gobolada KG soomaaliya maadaama ay qaateen waa odoyaashee go`aan adag kuna aadan dhisitaanka maamul goboleed lex gobol ah oo maalimaha soo socdo la fileya in ay doortaan madaxweyne iyo kuxigeenkiisa.
Idale News Online, Muqdisho.