Shir madaxeedka Midowga Yurub iyo Afrika oo la soo gabo gabeeyay.

0
192

Shir ay ka qeybgalayaan hoggaamiyeyaasha 80 dal oo Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ka kala socda ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ahaa hoggaamiye yaasha Afrika ee shirka kasoo qaybgalay.

Shirka ayaa looga arrinsanaayay colaadaha, muhaajiriinta sharci-darrada ku safra iyo casbida ka dhalatay qalalaasaha xag-jiriinta.

Waxaa kaloo shirka looga hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha Qaarada Afrika, qul qulka muhaajiriinta afrikaanka ah, la dagaallanka burcad badeedda iyo arrimo kale.

Xaasan& EU Members.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu shirka socday waxa uu kulamo gooni gooni ah la qaatay mas’uuliyiintii shirka ka qeyb gashay, kaasi oo looga hadlay xaaladda dalka iyo sida beesha caalamka ay gacan uga geysan karto la dagaallanka Shabaab iyo burcad badeedda.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa inay kulamo kale la qaataan Madax ka tirsan beesha caalamka iyo kuwa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool.

Idale News Online, Beljam.