Shir Madaxeedka IGAD oo Looga Hadlay Arrimaha Quseeya Somalia

0
181

Addis Ababa (INO) Shir madaxeedka IGAD ee ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa inta badan quseeyay arrimo la xiriira Soomaaliya,waxaana ka qayb-galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxyaabaha diiradda lagu saaray shirka waxaa ka mid ah,Sida aan ka soo xiganay wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee SONNA.

Soomaaliya oo lagu ammaanay doorashooyinka ka socda Dowlad Goboleedyada Dalka.

Ciidammada Qalabka sida ee Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa loo jeediyey boggaadin.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay in doorashada dhici doonta dhammaadka bisha ku qabsoonto waqtigii loogu talagalay.

Sidoo kale Waxaa la soo jeediyey in la bilaabo qorshe dalalka Carabta ay ku soo celinayaan suuqa xoolaha oo ay Soomaaliya ugu dhoofin jirtay.

Beesha caalamka ayaa loogu baaqay in xawaaladaha Soomaalida laga qaaddo xayiraadda saaran, maadaama kobaca dhaqaalaha ay qeyb weyn ka qaadan jirtay.

Ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey madaxweyneyaasha IGAD dedaalka ay Soomaaliya ku taageerayaan, maadaama dalku uu horey u dhaqaaqay muddo dhowna Soomaaliya ay furi doonto waddo cusub oo dhanka nabadda iyo horumarka ah, isagoo Ballan qaaday in doorashada waqtigeeda ku dhici doonto, shacabka Soomaaliyeedna ay diyaar u yihiin wax wada qabsi muuqda.